Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay Puntland kuna sugan magaalada Garoowe ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray wasiiro uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo diiday qaar kamid ah qodoba Shirkii Wada-tashiga Garoowe.
Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan aqbali karin in la eedeeyo madaxda Dowladda Dhexe iyadoo dano gaar ah la leeyahay.
Xildhibaannada oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Garoowe ayaa sheegay in ay markhaati ka yihiin in wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Garoowe ku sugan ay wax ka diyaariyeen war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Garoowe.



