Al-shabaab ayaa xalay Hoobiyayaal ku weeraray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ah fariisinka ugu weyn ciidamadda Midowga Afrika AMISOM iyo Beesha Caalamka.
Madaafiicda oo ahaa kuwo is xig xigay ayaa waxaa laga maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu weeraray Xerada Xalane ee Magaaladda Muqdisho.
Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in dhawr hoobiye ay ku soo dhaceen agagaarka Xarunta QM, ayna dib kasoo sheegi doonaan waxyeeladda ka dhalatay.
“Dhawr hoobiye ayaa ku dhacay agagaarka Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho. Iyadoo la raacayo marxaladda heerarkan, Saraakiisha amniga ayaa ku hawlan qiimeynta wixii dhaawac ama dhib ah ee jira, dib baana ka soo faah faahin doonnaa wixii ka soo baxa.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay UNSOM.

