Maraykanka oo Sii Wadi Doona taageeridda Ciidanka Xoogga

0

Dowladda mareykanka ayaa shaaca kaqaadday in ay sii wadi doonto taageerada iyo tababarada aysiiyaan ciidamada xoogga dalka Somalia gaar ahaan kuwa danab.

Wasaaradda diffaaca dowladda mareykanka ee paantikoonka ayaa sheegtay in taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay saadaalinayaan in ay sii wadi doonaan  horumarinta ciidamada danab horumarintaasi oo ah howlgal loogu magacdaray howlgalkii hillaca kaasi oo sii coon doona ilaa sanadda 2027 sida ay sheegeen saraakiil katirsan paantikoonka mareykanka.

Qoraal  kooban oo kaso baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in taliska mareykanka ee qaaradda Africa ay sii wadi doonaan tababaradda iyo taageerada ay siiyaan ciidamada danab.

Kuxigeenka agaasimaha howlgallada taliska mareykanka ee qaaradda Africom ninka lagu magacaabo Gen. Miguel Castellanos oo warbaahinta lahadlayay ayaa yiri “waxaan umaleeynayaa dadaalladeenna laxariira horumarinta ciidamada danab maalinba maalinta kadambeysa in ay rajo fiican utahay iyaga in ay helaan khibrad iyo xirfad ciidaan oo aad usarreysa”.

Tan iyo markii labillaabay dhismaha ciidamada danab oo markii ugu horreeysay sanaddii 2013 waxaana xilligaa wixii kadambeeyay lasoo saaray saraakiil gaareysa 150 iyo sidoo kale tiro ciidaan oo udhaxeysa 800 ilaa 1,000 askari hasaha ahaatee sida uu sheegay kuxigeenka agaasimaha howlgallada taliska mareykanka ee qaaradda Africa mr Castellanos ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in ladhiso ciidamo tiradooda ay gaareyso 3,000 oo askari kuwaasi oo ah ciidamada gaarka ah ee danab.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here