Kooxo hubeysnaa ayaa xalay magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool waxa ay ku dileen Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sool.
Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdiqani Guhaad,waxaana la sheegay in rasaas ay huwiyeen kooxo hubeysan xili uu fadhiyay gurigiisa hortiisa.
Ciidanka Booliiska Somaliland oo dilkaasi kadib hawlgallo ka sameeyay gudaha Laascaanood ayaa soo qabtay ilaa saddex ruux oo lagu tuhmayo dilka Taliye Guhaad kuwaasi oo haatan ay gacanta ku hayaan laamaha Dambi barista.
Magaalada Laascaanood ayaa maalmahan dambe waxa ku soo badanayey dilalka qorshaysan iyadoo horay halkaas loogu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland Xassan Sheikh Maxamuud.

