War Deg Deg:-Bajaajle Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Wade Mooto Bajaaj ayaa goordhaweyd lagu dilay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,waxaa falkaan geystay nin saarnaa Gaari nooca Soomaalida u taqaano Toyoto Carolla Allion kadib markii ay murmeen isaga iyo bajaajlaha.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale inoo sheegay in muranka kadib oo wadadihii gaariga uu Bastooladd lasoo baxay,islamarkaana uu madaxa ka toogtay wiilkii Bajaajlaha ahaa,wuxuuna ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamadda amanaka Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta laga qaaday meydka darawalka bajaajlaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here