Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey in qaarkood ay Xiriir gaar ah la leeyihiin Dowladda Kenya oo Soomaaliya xurguf kale dhexeyso.
Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo siyaasadd ahaan taageersan Kenya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Kenya ay sheegtay in 90-xildhibaan ay ku leedahay Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya taasina ay cadeyn u tahay arrimaha haatan jira.
Siyaasiga C/nuur Jaamac Jookar ayaa ugu baaqay xildhibaanadaas in ay kasoo laabtaan taageeradda ay siinayaan Dowladda kenya ay la jirsadaan Dalkooda Soomaaliya.
Hadalka C/nuur Jaamac Jookar ayaa kusoo aadaya xili khilaafkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo kenya uu dib usoo laabtay,kadib dagaalkii ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ee gobolka gedo.

