Al-shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Ciidamadda Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle, kuwa midowga Afrika AMISOM.
Dagaalka labada dhinac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana Shabaab u suurta-gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta saldhigga Mahadaay.
Sidoo kale Ciidamada Xarakadda Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday ciidanka Uganda ee heysta degmada Awdheegle iyo kuwa DFS ee ay iyagu geeyeen Bariire iyo Sabiid.
Ciidamadda Al-Shabaab ayaa si joogto ah u weerara Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

