Al-shabaab oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Degmadda Awdheegle

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo xalay ka dhacay Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ahaa ay ku qaadeen Saldhigyadda ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee deegaankaas ku leeyihiin.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka labadda dhinac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here