Waxaa lasoo bandhigay Sawiradda Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay xalay ka geysteen Gobolka Shabeelaha Hoose.
Duqeynta ayaa ka dhacday Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxayna diyaaradaha beegsadeen gaari.
Gaarigaan oo noociisa uu yahay Homy/ Caasi, ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, balse markii uu maraayay deegaanka ugunji ayaa duqeynta lagu garaacay.
Saddex ka mid ah afarta qof ayaa waxa ay xidid la yihiin qoys caan ah oo la yiraahdo reer Xaaji Xayaysi.
Shanta qof ee saarney Gaarigaas dhamaantood meesha ayey ku dhinteen waxayna Magacyadooda kala yihiin
1- Cabdiraxmaan Cali Waadhowr
2- Maxamed Axmed Shiikh isaaq
3- Cabdifitaax Farxaan Maxamuud Maxamed oo 13 jir ah
3- Odey Magaciisa lagu sheegey Cabdulaahi
4- Darawalkii Gaariga oo lagu magacaabo Cabdiweli Aadan Bare.










