Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa shaaca ka qaaday in ay markale duqeyn ka fuliyeen qeybo kamid ah koonfurta Somalia gaar ahaan gobalka shabeellaha hoose.
Taliska mareykanka ee Africom ayaa hoosta kaxariiqay in iyaga iyo dowladda federaalka Somalia ay siwadajir ah ufuliyeen duqeyn kadhacday qeybo kamid ah degmada jannaale ee gobalka shabeellaha hoose 10kii bishan oo aheyd maalinamdii shalayto aheyd.
Qoraal kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayay kusheegeen in duqeynta ay fuliyeen mareykanka ay kudileen 5 xubnood oo katirsan dagaalyahannada Alshabaab iyagoona intaasi kudaray in aysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray dad shacab ah.
Gen. Miguel Castellanos oo ah kuxigeenka agaasimaha howlgallada talska mareyakanka ee qaaradda Africa ayaa shaaca kaqaaday in taliska mareykanka ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka Somalia islamarkaana duqeymahan ay yihiin kuwo ladoonayo in lagu yareeyo awoodda Alshabaab oo iyagu dagaal kala soo horjeeda ciidamada dowladda federaalka Somalia iyo kuwa Amisom.

