Jubbaland oo Ciidamada Badan Geysay Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya

0

Maamulka Jubbaland ayaa ciidamo fara badan geeyay Deegaanka Diif ee Gobolka Jubadda Hoose, halkaas oo ah xaduudka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadaan oo ah kuwa Daraawiishta Dowladd goboleedka Jubbaland ayaa la sheegay in qorshahooda uu yahay sidii Al-shabaab ay kaga saari lahaayeen deegaanadda ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbadda Hoose.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadda la geeyay halkaas ay isla xalay Howlgal ka sameeyeen Deegaanka Diif,islamarkaana halkaas saldhigyo ay ka sameysteen.

Maamulka Jubbaland ayaa kordhiyay qorshaha dhanka ciidamadda ee ku wajahan Gobolka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Magaalada Dhoobley waxa uu wadaa abaabul ciidan, waxaana dhawaan uu sheegay in qorshaha Jubbaland uu yahay gacan ku dhigista Caasimadda Maamulkaas ee Bu’aale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here