Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale xumaaday kadib markii ciiamadda kenya ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in hadaladii kululaa ee labada dal isu jeediyeen ka dib, ay iminka labada dhinac isu afgarteen in xiisadda la qaboojiyo,kadib markii wafdi ka socda Kenya ay yimaadeen magaaladda muqdisho ayna la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in hadda la qorsheynayo safar lagu wado in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku taggo dalkaasi Kenya, si uu ula kulmo Madaxweyne Uhuru Kenyata.

