Al-shaabab ayaa hoobiyayaal ku weeraray saldhig Ciidamadda jabuuti ay ku leeyihiin Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay In ilaa Toban Hoobiyayaal lagu weeraray saldhiga ciidmadda Jabuuti ee Degmadda Jalaqsi,islamarkaana uu khasaare jiro.
“Ma jirin wax rasaas ah oo ay rideen ciidanka Jabuuti inta ay duqeyntu ku socotay maadaama aysan garan karin halka looga yimid waxaana askari walba uu ku mashquulay sidii uu tiisa u badbaadin lahaa”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ciidamada Jabuuti oo looga hadlaayo hoobiyayaasha lagu weeraray saldhiga jalalaqsi.

