Barakac Ka Bilowday Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari

0

Barakac ayaa ka bilowday Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya,kadib dagaalkii ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Barakaca ayaa waxaa wada dadkii ku sugnaa Degmadda oo ka cabsi qaba in waxyeelo ay kasoo gaarto dagaalka u dhaxeeya ciidamadda Dowladda iyo kuwa wasiir C/rashiid Janan.

Nabadoon Cabdiraxmaan Maxamed Isxaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Mandhera ayaa sheegay in dadku baqdin ka muujiyay Ciidanka Jubbaland ee dagaalka ku jira, islamarkaana soo degay Degmada Mandhera.

Nabadoonka ayaa Ciidanka Wasiirka Amniga Jubbaland  ku eedeeyay in ay markii hore barakaciyeen dadkii deganaa xuduuda kala qaybisa Beled Xaawo iyo Mandhera, hadana ay barakac kale u horseedayan dadkii deganaa gudaha Degmada Mandhera.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Militariga Kenya kala hadleen in Ciidanka Jubbaland laga saaro Degmada Mandhera, balse ay taasi ka dhego adeegeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here