Qaramada midoobay ayaa shaaca kaqaaday in xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonatay gobalka gedo ay kubarakaceen dad qoysas gaaraya 9,000 islamarkaana tiro lagu qiyaasay 56,000 qofood ay kahayaamen guryahooda intii udhaxeysay bishii febraayo ilaa horraanta bisha march.
Qoraal kooban oo kasoo baxay iskuduwaha arrimaha bani,adannimada Somalia ninka lagu magacaabo Adam Abdelmoula waxaa lagu yiri “waa in lasameeyaa dhamaan dadaallada lagu yareynayo khatarta iyo in ay waxyeello soo gaarto dadka rayidka,goobaha waxbarashada goobaha caafimaadka iyo guryaha dadka rayidka ah”.
Qoraalka kasoo baxay qaramada midoobay ayaa imaanaya iyadoo maalinamaddii shalayto aheyd dagaal xooggan uu kadhacay degmada balad-xaawo ee gobalka gedo dagaalkaasi oo udhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Somalia iyo kuwo taabacsan maamulka jubbaland manajirto wax xal ah oo laga gaaray colaadda kasoo cusboonaatay qeybo kamid ah gobalka gedo.

