Wararka ka imaanaya Degmadda Doolow ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay xalay galeyn guriga wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.
Ciidamadda galay guriga wasiirka Amniga Jubbaland Janan oo ka baxsaday Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kasoo qaateen hub iyo agabyo kale oo yaalay guriga wasiirka.
Dadka deegaanka degmadda Doolow ee Gobolka Gedo ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho u sheegay in gudaha magaaladda laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo haatan ku sugan Degmadda Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.




