Kenya oo Siddeed Xildhibaan Xabsiga Dhigtay

0

Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Kenya, waxaa la sheegayaa in Xildhibaanadan oo kasoo jeeda mamulka Soomaalida ee waqooyi Bari Kenya lagu haysto danbi ah in ay tageen magaalad Muqdisho.

Waxaa la sheegay in uu baaritaan ku socdo Xildhibaanada oo ay ku samaynayaan laamaha Sirdoonka Kenya.

Xildhibaanada ayaa lagu eedeyay in ay u soo safreen Soomaaliya kulanna ay la qaateen Sirdoonka Somaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijayay  in gacanta ay u galeen Xildhibaanadaas Sirdoonlka Kenya.

Tirada Xildhibaanada ayaa lagu  sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad Toban Xildhibaan, waxaan laga qabtay Garoonka Wilson Airport ee Nairobi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here