Golaha Ammaanka ee QM oo Soomaaliya ugu Baaqay in Doorashada Waqtigeeda ay Ku Dhacdo

0

Xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa markale kuceliyay in ay muhiimtahay in dalka somalia ay kaqabsoonto doorasho hal iyo hal cod ah islamarkaana ay kudhacdo doorashada waqtiga loogu talagalay sanadda 2021 sida uu dhigayo dastuurka kumeel gaarka ah ee jamhuuriyadda federaalka somalia.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ay soo dhaweeynayaan diyaargarowga xukuumadda somalia ay ugu jirto qabashada doorashooyinka qaranka somalia.

Sidoo kale xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa qiray doorka guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka ay kuleeyihiin qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah oo kaqabsoonta somalia sanadda soo socota ee 2021.

Xubnaha golaha amaanka ayaa shaaca kaqaaday in loobaahanyahay in doorashada qaranka ay noqoto mid kafog musuqmaasuq iyo wax isdabamarin islamarkaana xubnaha wax ay sheegeen in ay muhiimtahay in doorashada ay kudhacdo hanaan nababadeed,hufnaan iyo sidoo kale in doorashada ay kudhacdo waqtigii loogu talagalay.

xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa soo dhaweeyay meelmarinta sharciga doorashooyinka qaranka hasa ahaatee waxa ay hoosta kaxariiqeen muhiimadda ay leedahay in laxalliyo tabashooyinka laga qabo qodobada qaar ee  kuqoran sharciga doorashooyinka qaranka ee uu dhawaan saxiixay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka somalia.

Xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa shaaca kaqaaday in loobahanyahay in laqeexo waxyaabaha dastuuriga ah oo ay kamidyihiin qoondada iyo kuraasta haweenka ay kuleeyihiin golayaasha baarlamaanka doorashada,qoondada kuraasta gobalka benadir iyo qoondada doorashada ee Somaliland.

Ugu dambeen xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ugu yeeray baarlamanka jamhuuriyadda federaalka somalia in ay lashaqeeyaan guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyaga oo latashanaya dowladda federaalka somalia,dowlad gobaleedyada iyo dhamaan danleeyda siyaasadeed si ay kusuurtagasho qabsoomidda doorashada qaranka somalia sanadda 2021.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here