Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan ayaa ka dagay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinac Maamulka Puntland wuxuuna ku wajahan Magalaada Garoowe Ee caasimada Gobolka Nugaal.
Sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonan karo, Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa horey u dalbaday in uu saldhigto meel aan aheyn dhuusa-mareeb,kadib markii uu ka tanasulay siyaasadda Galmudug.
Madaxweynaha Dowladd-Goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaariye ayaa madaxtooyada Galmudug ku qaabiley hogaamiyaha ASWJ Macalin Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ku amaaney ASWJ sida ay u muujiyeen tanaasulka iyo ka shaqeeynta dib u heshiisiinta.

