Wasiir Beyle oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan IMF

0

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka somalia Dr C.raxman Ducaale Beyle oo kusugan dalka mareykanka ayaa kulamo gaar gaar ah laqaadanaya masuuliyiin katirsan hay,adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka somalia ayaa kulan laqaatay agaasimaha fulinta hay,adda lacagta aduunka Kristalina Georgieva  waxa ayna kawadahadleen horumarrada laga sameeyay hanaanka deyn cafinta somalia oo soo socotay in muddo ah Agaasimaha fulinta hay,adda lacagta aduunka Kristalina Georgieva ayaa shaaca kaqaaday in hay,adda lacagta aduunka ay kashaqeyneyso sidii somalia ay kaga gudbi laheyd caqabadaha kuhorgudban horumarka dhaqaalaha dalka somalia caqabadahaasi oo dib udhigay horumarka dhinaca maaliyadda somalia.

 

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka somalia c.raxman ducaale beyle ayaa kaga mahadceliyay banklga horumarinta Africa taageerada uu lagarabtaaganyahay dowladda somalia iyo hanaanka lagu horumarinayo dhaqaalaha somalia.

Dhawaan ayay aheyd markii bankiga aduunka uu kudhawaaqay in uu soo celiyay xiriirkii uu lahaa bankiga dhexe ee somalia muddo 30 sano ah kadib.

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here