Maamulka Puntland ayaa digniin u diray Dowladda Federaalka Somaaliya oo ku aadan ciidamada Booliska Haram-cad oo la sheegayo in la geynayo Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ,wuxuuna sheegay in howlgalkaas lagu qabtay 30 ruux oo ay ku tuhunsan yihiin dambiyo kala duwan.
Gen Muxiyadiin, ayaa wax laga weydiiyay wararka ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay qorshaynayo in Ciidamada Booliska Haram-cad ay geyso Magaaladda Gaalkacyo.
Waxa uu sheegay hadii dowladda Federaalka Soomaaliya ay geyso magaaladda gaalkacyo Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno haramcadka, ay ayagana diyaarin doonaan ciidamadda Shabeell.

