Sheekh Cali Dheere oo Fariin u Diray Shacabka iyo Dowladdda Kenya

0

Hogaanka Al-shabaab ayaa fariin u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi Bari ee dalka  Kenya.

Sidoo kale hogaanka Al-shabaab ayaa fariin hanjabaad aheyd u diray Dowladda kenya oo ku aadan faragalinta ay ku hayso Gudaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo kalimad jeediyay ayaa la hadlay dadka Soomaaliyeed, iyo Dowladda kenya.

Kalimadda oo la dhageysan karayo muddo 20 daqiiqo ah ayuu Sheekhu ugu horrayn dadka Waqooyi bari ku dareensiiyay xiriirka kala dhexeeya Al-shabaab oo ka kooban wada dhalasho, xigto iyo xigaal iyo walaaltinimada kalimadda Tawxiidka taas oo keenaysa isku damqasho iyo in jir qura la wada noqdo.

Wuxuu ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan Shabaab si loo xaqiijiyo ahdaaf badan, haddii ay taa dhici waysana ay waligood dusha ka saarnaan doonto heeryada gumeysiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here