Ciidamadda amaanka Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyihii hore ee Magaaladda Dhuusamareeb ugu Magacownaa Maamulka Ahlusunna Axmed walad Cabdalla.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo, Gudoomiyihii Hore ee Ahlusuna iyo xubno la socday ayaa xabsiga la dhigay,kadib markii ay kasoo baxeyn xarunta Inji oo ah fariisinka ugu weyn ee Hogaanka Ahlusuna Waljameeca.
Ilaa haatan lama oga sababta loo xiray Guddoomiyihii hore ee Magaaladda Dhuusamareeb ugu Magacownaa Maamulka Ahlusunna Axmed walad Cabdalla.

