Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland oo Go’aan Cad Soo Saaray

0

Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay ku shaaciyeen cidda Sharci ahaan noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland

Waxaana xilka kusimaha la wareegi doona marka ay dalka ka maqan yihiin  madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Hoos Ka Aqriso Go’aanka Guddiga Joogtada ah.

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU;

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.
MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

  1. In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here