kenya oo Xabsiga Dhigtay Laba Qof oo Soomaali ah

0

Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay 2 qofood oo ay sheegeen in ay yihiin muwaadniin udhashay dalka somalia kuwaasi oo dadkakatahriibiya  qeybo kamid ah dalka Kenya.

Waaxda dambibaarista dowladda Kenya ayaa shaaca kaqaaday in howlgallo ay kasameeyeen qeybo kamid ah xaafadda Islii ee magaalada Nairobi xaafadaasi oo ay kubadanyihiin dadka somaalida ah waxa ayna intaasi kudareen in labadan qofood ay kasoo qabteen guri kuyaalla xaafadda Islii iyagoona intaasi kudaray in 11 qofood oo kamid ah dadka latahriibinayay ay gacanta kusoo dhigeen.

Qoraal kasoo baxay waaxda dambibaarista dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in labadan qofood lasoo qabtay iyaga oo kugudajira qorshihii ay dadka kaga tahriibin lahaayeen dalka Kenya waxaana  waaxda dambibaarista Kenya ay kusheegeen magacyada labada xubnood ee ay gacanta kudhigeen Thaabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman waxaana waaxda dambibaarista dowladda Kenya ay sheegtay in labadan wiil da,doodu ay udhaxeyso 23 ilaa 30 sano jir.

Waaxda dambibaarista dowladda Kenya ayaa sheegay in dadkan latahriibiyo lageeyo qeybo kamid ah waddamada bariga dhexe halkaas oo loo geeyo shaqooyin aan lagaran nuucooda waxaana waaxda dambibaarista dowladda Kenya ay shaaca kaqaaday in labadan qofood lasoo taagi doono maxkamad marka ay soo dhamaadaan baaritaannada lagu wado labadan qofood ee dadka tahriibiya.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here