Duqa Muqdisho oo Xarigga Ka Jaray Xarun Cusub

0

Waxaa maanta xarigga laga jaray xarunta labaad oo ay yeelanayso Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha jamhuriyada Soomaaliya.

Duqa muqdisho Cumar Filish ayaa xarigga ka jaray xaruntaan labad ee hay’addu yeelanayso, waxaana laga hirgaliyay xaruuntaan degmada Cabdicasiis ee Gobalkanu Banaadir.

Waxaa xaruntaan loogu adeegi doonaa sida la sheegay siddeed ( 8) oo ka tirsan degmooyinka Gobalkani Banaadir oo kala ah: Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo Xamar Weyne.

duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa uga mahad celiyey Madaxda hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dadaalka ay geliyaan sida loo hirgelin lahaa Xaruntaas oo baahi weyn u qabeen Bulshada Shanta degmo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here