Shacabka ku dhaqan Qoryooleey Dhibaato Xooggani Soo Wajahday

0

Xaalad aad  u cakiran ayaa soo wajahday dadka ku nool degmada Qoryoleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka ku dhaqan Dagmada ayaa sheegay in seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay aysan dagmada tagin gawaarida xamuulka ah iyo kuwa khudaarta qaada eedegmadaas tagi jiray, waxaana taasi ay dhibaato horleh ku noqotay dadka degaanka.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii buundada qoryooley la qarxiyay, waxaana la sheegay Shabaab in ay qarxiyeen buundada oo muhiim u ahayd isku socodka guud ee degmada.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in ay shabaab gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku qarxiyeen Buundada, taa oo keentay in buundadu bur-burto.

Si kastaba waxaa ay arrintaani caqabad horleh ay ku noqonaysaa dadka degaanka oo inta badan is ticmaali jiray buundada, waxaana hagad galay isku socodka gaadiidka soo gali jiray degmada iyo kuwa ka bixi jiray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here