Suuqa Gaalkacyo oo Xiran iyo maamulka oo aan ka hadlin ilaa hadda.

0

Waxaa maalintii seddexaad   xiran suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaa la sheegay in ganacsatada suuqa ugu weyn magaalada ay joojiyeen ganacsigooda ka dib markii lagu soo rogay canshuur dheeraad ah taa oo keentay in ay ku dhaqaaqaan shaqo joojin.

Waxaa la sheegay in dhammaan dhaq-dhaqaaqaga guud ee suuqa u istaagay iyadoo ganacsatadu ay irdaha u laaben goobahoodii ganacsiga ay ku lahaayeen suuqa weyn ee magaalada.

Illaa iyo hadda wax hadal kama soo bixin Puntland, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda maamulkaasi oo ku aadan cabashada ganacsatadaasi, waxaana taasi ay dhibaato ku tahay dadka degaanka iy ganacsatada.

Maamulka ayaa ayaa canshuur dheeraad ah saaray  ganacsatada, waxaana ay ganacsatadu ay ka biya diideen canshuurta dheeraadka ah ee lag soo rogay, waxaana taasi ay keentay in suuqo uu muddo deddex maalmood ah uusan si caadi ah u shaqayn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here