Dowladda Soomaaliya oo eedeymo Loo Jeediyay

0

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku guuldareystay inay Taageeraan Boqolaal Askari oo Al-shabaab kula Dagaalamay Gobalka shabeelaha hoose.

Waxaa eedeeyn xooggan loo jeediyaay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya oo shageegay in ay ku guuuldarreysteen taageeridda Ciidanka, taasina waxaa ay keentay in loo jeediyo dhaleecayn culus oo la xariirta dayacaad ay ku sameeeen Boqolaa Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Cidanka ayaan helin sida la sheegay taagerada ay u baahnaayeen, sida in laga taageero dhanka hubka qybihiisa kala duwan iyo waliba mushaarka ciidanka, iyadoo ay ciidanka ku xeeran yihiin duruufo kala duwan.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Al-shabaab a soo bandhigeen meydad ay ku sheegeen in ay ahaayeen ciidanka dowladda oo ay ku dileen dagaal ka dhacay degaanka Ceel-saliini, waxaa sidoo kale ay Baraha Bulshada ay ku faafiyeen Shabaab gaadiid dagaal iyo hub ay sheegeen ay ka qabsadeen ciidanka dowladda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here