Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Cusub Geysay Gobolka Gedo

0

Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo cusub geysay Gobolka Gedo ee Dowladd goboleedka Jubbaland.

Ciidamadaan oo ah kuwa ay Tababartay Dowladda Turky-ga ee Gorgor loo yaqaano ayaa maanta la geeyay Degmadda Balad-xaawo ee gobolka gedo.

Ciidamadaan ayaa waxaa ay dowlada federalka ku macneysay inay yihiin kuwo ka qeybqaadanaya difaaca dalka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Dhanka kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ay colaad ka hurinayso Gobolka Gedo,ayna geysay ciidamadii loogu talagalay dagaalka Al-shabaab,ay geysay Gobolkaas.

Horey waxaa Gobolka Gedo loo geeyay Cutubyo ka Tirsan Ciidamadda Haram-cad ee Booliska Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here