Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo Xukunno Ridday Maanta

0

Waxaa xukunno kala duwan lagu riday maanta eedeysanayaa loo haystay in ay Alshabaab a mid ahaayeen.

Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidanka qalabka sida ayaa xunkun ku ridday eedeeysanayaal lagu eedeeyay in ay Al-shabaab ahaayeen.

Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa lagu soo eedeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal dhanka maamulka iyo maaliyadda Alshabaab waxaana ay ugu magacownayeen Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Waxaa eedeysanaha koowaad lagu eedeeyay  in uu ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha dhanka Uruurinta canshuuraha,

Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  sideedii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.

Horaantii February ayay Maxkamadda u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee        gobalka Banaadir 28  August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here