Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa faah faahin kabixiyay duqeyn ay sheegeen in ay kafuliyeen qeybo kamid ah gobalka Jubbada dhexe gaar ahaan degmada Jilib ee gobalka jubbada dhexe.
Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa shaaca kaqaaday in iyaga oo kaashanaya dowladda federaalka somalia ay duqeyn kafuliyeen qeybo kamid ah gobalka Jubbad dhexe gaar ahaan agagaarka degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe waxa ayna intaasi kudareen in duqeyntaasi ay kuburburiyeen saldhigyo ay kulahaayeen halkaasi xubno katirsan Alshabaab.
Kuxigeenka agaasimaha howlgallada taliska mareykanka ee qaaradda Africa Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in duqeyntan ay kudileen xubin katirsan Alshabaab islamarkaana ay fuliyeen taliska mareykanka ee qaaradda Africa waxa ayna kutaageerayaan howlgallada iyo dagaalka kadhanka ah Alshabaab oo ay hormuudka kayihiin ciidamada dowladda federaalka somalia.
Taliska mareykanka ayaa warsaxaafadeed ay soo saaree waa ay kusheegeen wax qasaare ah aysan soo gaarin dad shacab ah waxa ayna intaasi kudareen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka somalia waa sida ay kusheegeen warsaxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom.

