Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka mas’uul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Puntland.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in rag hubeysnaa ay toogteen Cabdi Raxmaan Nuur Gureey Geesdiir oo ahaa oo guddoomiye ku xigeenka xaafadda Garsoor islamarkaana wada shaqeyn dhow lalahaa saraakiisha Ciidamada PS-ta maamulka Puntland.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in raga dilka fuliyay ay si Nabadd ah goobta ugu baxsadeen,islamarkaana goobta laga qaaday meydka Cabdi Raxmaan Nuur Gureey Geesdiir.

