Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Caawa Magaaladaas lagu dilay,mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Puntland.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Magaaladda Gaalkacyo.
Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey cabdiraxmaan Nuur Geesdiir.
Abdiraxmaan Nuur(Gees diir) ayaa ka mid ahaa Gudoomiyaasha Xaafadaha Gaar ahaan waxuu ahaa Gudoomiyaha Laanta 5-aad ee Xaafadda Garsoor.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa ka baxsaday goobta,waxaana goobta laga qaaday Meydka Marxuumka.

