Dowladda Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay kashaqeyneyso xasilooni darrada dalal ay kamid tahay somalia waxaana lagu eedeeyay in ay taageerto kooxo hubeysan oo kadagaallama wadamada somalia,Liibiya iyo siiriya.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka sacuudiga ninka lagu magacaabo Caadil Al-Jubeeyr oo warbaahinta lahadlay isaga oo kusugan magaalada Bucharest ee caasimadda dalka Romania ayaa shaaca kaqaaday in Boqortooyada sacuudiga ay kasoo horjeedo waxa uu ugu yeeray duullaanka wadanka siiriya iyo taageerada dowladda turkiga ay siiso maleeshiyaadka kadagaallama wadama somalia iyo Liibiya.
Wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada sacuudiga Caadil Al-Jubeeyr oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa yiri “waxaan kasoo horjeednaa gelitaanka dowladda turkiga wadanka siiriya sido kale waxaan kasoo horjeednaa taageerada dowladda Turkiga ay siiso maleeshiyaadka kadagaallama waddamada somalia,siiriya iyo Liibiya”.
Dowladda sacuudiga ayaa hoosta kaxarriiqday in dowladda Turkiga ay kashaqeyneyso daganaansho la,aanta xaaladda dalka somalia iyo waddamo badan oo katirsan dalalka caalamka gaar ahaan wadda Liibiya,siiriya iyo somalia.
Xiriirka waddamada sacuudiga iyo Turkiga ayaa xumaaday tan iyo markii ladilay wariye Jamaal Kishoqji kaasi oo lagu dhexdilay bishii October ee sanaddii 2018 qunsuliyadda dowladda sacuudiga ay kuleedahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaana xilligaa wixii kadambeeyay aad uxumaaday xiriirka Diplomaasiyadeed ee kadhaxeeyay waddamada sacuudiga iyo Turkiga.

