Jubba-land oo Ciidamo Fara Badan Geysay Degmadda Balad-xaawo

0

Maamulka Jubbaland ayaa ciidamo fara badan geeyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo xiisad dagaal.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo laga soo qaaday Degmadda Ceel-waaq la geeyay duleedka Beledxaawo oo ahaa goobihii fariisinka u ahaa Ciidamadii horay uga soo baxay Beledxaawo iyo Doolow ee ka tirsanaa Jubbaland.

Ciidamadaan waxaa hogaaminaya Col. Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jubbaland ee horay uga qeyb qaatay dagaaladii Gobolka Gedo qeybo ka mid ah looga saaray Al-Shabaab.

Mar uu kasoo muuqday warbaahinta ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo kawada tirsan Dowladda ay isku horfadhiyaan magaalo ku taala Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in arintaas ay ka dambeeyaan Madaxda Dowladda Soomaaliya,wixii ka yimaadana ay iyaga qaadi doonaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here