Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.
Falka dilka oo loo adeegsaday Toorey ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Oodweyne Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka C/Fitaax C/fitaax Ismaaciil Xuseen ayaa kamid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Korontada Beco ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay kooxo toorey ku hubeysnaa, oo dhac soo geysnayay Gudaha Degmadda Deyniile.
Waxa ay sheegeen in kooxaha hubeysnaa iyo C/Fitaax ay ku kulmeen wadada uuna isku dayay Marxuumka in uu qabto mid kamid ah,balse mindi lagu dhuftay kadib markii dhulka kuwada dhaceyn sidaasna ku dhintay.
Falka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badnayay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

