Madaxweyne Ku-xigenka JL iyo Wasiir Janan oo Loogu Baaqay in ay Isa Soo Dhiibaan

0

Xildhibaan ka tirsan Golaha Isbadaldoonka Jubbaland, ayaa madaxweyne ku-xigenka 1-aad ee jubba-land Maxamuud Sayid aadan iyo wasiir-ka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.

Saciid Nuur oo kamid ah Xildhibaanadda isbadal doonka Jubbaland ee Magaaladda Kismaayo dhawaan looga dhawaaqay ayaa sheegay in la joogo xiligii Madaxweyne ku-xigenka 1-aad ee jubba-land Maxamuud Sayid aadan iyo wasiir-ka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ay dowladda isku dhiibi lahaayeen.

Waxa uu sheegay isagoo la hadlayay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho, in labadda mas’uul ay yihiin dambiiyaal,islamarkaana haboon tahay in ay isku soo dhiibaan Dowladda Soomaaliya si loo Maxkamadeeyo.

C/rashiid Janan wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaala Magaaladda Muqdsiho,wuxuuna maalmo kadib uu gaaray magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here