Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka badbaaday xil ka qaadis ay damacsanaayeen siyaasiyiinta xisbiga dimuqraadiga ee aqalka Kongreska, kadib markii lagu waayay wax dembi ah.
Arrintan ayaa soo afjareysao culeyskii siyaasadeed ee heystay madaxwenaha bilihii lasoo dhaafay, waxaana arrintan aad ugu kala qeybsamay shacabka Mareykanka.
Aqalka Senetka oo ay ku badan yihiin xildhibaanada xisbiga madaxweyne Trump ee Jamhuuriga ayaa 52 waxay u codeeyeen in uusan wax dembi ah gelin, halka 48 xildhibaan oo u badan xisbiga dimuqraadigana ay u codeeyeen in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga, xilkana laga qaado.
Bishii Nofemabr ee sanadkan, madaxweyne Trump waxaa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee xil ka qaadis ka badbaada, kadibna isu soo sharaxo doorasho madaxweyne.
Aqalka sare ayaa gaaray go’aan taariikhi ah, kadib markii ay go’aamiyeen in aanan xilka laga qaadin Trump.
Haddii ay dhici lahayd in Trump lagu helo dembiyada lagu soo eedeeyay, waxay noqon laheyd in madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence uu sii hogaamiyo Mareykanka.

