Darawal Mooto Bajaaj oo lagu Dilay Magaaladda Muqdisho+Magaciisa

0

Askar ka Tirsan ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen Darawal mooto Bajaaj.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Black Sea Dhanka Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Sida uu inoo xaqiijiyay goobjooge halkaas ku sugnaa markuu dilka dhacayay,rag ku labisnaa dareeska Ciidamadda ayaa geystay dilka wiilka dhalinyaradda ahaa oo magaciiisa lagu soo koobay  Cambuulo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga hubeysnaa ay doonayeen in wiilka ay ka dhacaan Mobil, iyo mooto Bajaaj uu watay,balse uu arintaas ka diiday,kadibna ay dileen ayna qaateen Mobil uu watay.

Ciidamadda ku labisan dareeska Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan darawaladda Mooto Bajaaj.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here