Warar Ku Saabsan Qaraxii Saakay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo saakay ka dhacay Magaaladda muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu gaariga ku xirnaa islamarkaana uu qarxay xili uu marayay, ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,balse lama hayo cadeyn arintaas ku aadan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday,waxaana loola caray goobaha caafimaadka Magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here