Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-shabaab.
Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee Voa-da ayuu sheegay Geelle inaanu isagu qabin inay korortay awoodda Al Shabaab, iyadoo uu laba u kala qaaday marka uu cadowgu carqalad ku yahay dalkiisa iyo marka uu dal shisheeye ku yahayba.
Sidoo kale waxa uu sheegay in awoodii Al-shabaab in ay kusoo aruurtay qaraxyo ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka.
“Anigu ma qabo inay soo korortay, Cadowgu marka uu duulimaad dalkiisa ku yahay waa mid, marka uu dal kale oo shisheeye uu ku yahayna waa mid kale,2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan, ayagu in wax dagaal ah ay u bareeraan aad ayay u yar tahay, laakiin qarax meel la dhigo, baabuur lagu soo xiro walxaha qarxa, waxaas ayay u badan yihiin nimanku.” Ayuu yiri Madaxweyne Geelle.Ayuu yiri Madaxweynaha.

