Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo u daabulaysa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku daabulaysaa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Ciidamadda oo si weyn u hubeysan ayaa la geynayaa degmooyinka Baardheere, Beledxaawo iyo Luuq, iyadoo Ciidamadaan ay yihiin kuwa Booliska gaarka u tababaran ee Haramcad.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shalay ay la wareegeen ciidamo dhawaan la geeyay gobolkaas Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo,oo shalay xili hore uu tagay,wasiir C/rashiid Janan oo Dowladda ka baxsaday.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshahaan uu sii socon doono,islamarkaana Dowladda ay qorshaynayso in ay la wareegto guud ahaan Gobolka Gedo, si xayiraad loo saaro Maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed madoobe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here