Xildhibaan Odowaa oo Madaxda Dowladda Eedeyn Kulul u jeediyay

0

Xildhibaan C/raxmaan Mxamed Xuseen ( Odowaa) ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacaday Galmudug, Odowaa oo ka mid ahaa Murashixiinti u taagnaa Xilka madaxweynenimo ee Galmudug balse markii danbe iska diiday in uu is-diiwaan galiyo ayaa ka hadlay doorashadi ka dhacday Galmudug iyo mowqifkiisa ku aadan Galmudug.

c\raxmaan Odowaa ayaa sheegay in uu  u istaagi doonoo sidii uu isugu baadi goobi lahaa shacabka galmudug waxaana bartiisa Facebook-ga kusoo qaray qoraal uu uga hadlaya arrintaas.

“Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo”

Sidaas waxaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray C/raxmaan Odowaa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here