Mareykanka oo Bur-buriyay Saldhigyo Muhiim u ahaa Al-shabaab

0

Wasaaradda Diffaaca dowladda mareykanka ee Paantikoonka loo yaqaanno ayaa shaaca kaqaadday in bishii lasoo dhaafay ay burburiyeen laba saldhig oo ay lahaayeen Alshabaab kuwaasi oo kuyaalla koonfurta somalia.

Taliska mareykanak ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa hoosta kaxarriiqay in bishii lasoo dhaafay ee janaayo ay burburiyeen laba xarumood oo ay lahaayeen Dagaalyahannada Alshabaab xarumahaasi oo Alshabaab ay kulahaayeen  degmooyinka Jilib iyo jamaame oo hoostaga gobalka Jubbada dhexe ee koonfurta somalia sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa.

Brig. Gen. Gregory Hadfield oo ah kuxigeenka madaxa sirdoonka taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa warbaahinta usheegay sidan “waxaan ogaannay in 2 saldhig ay isticmaalayeen dagaalyahannada Alshabaab islamarkaana ay kasoo abaabulaan weeraradda kadhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom”.

Alshabaab ayaa horraantii bishii hore ee janaayo waxa ay weerar kuqaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa millatariga mareykanka waxaana weerarkaasi lagu dilay xubno katirsan millatariga mareykanka iyadoona mareykanka ay qirteen qasaare kasoo gaaray weerarka lagu qaaday saldhiga lagu magacaabo Manda Bay saldhigaasi oo kuyaalla magaala xeebeedka laamuu oo dhacda xadka waddamada Kenya iyo somalia.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here