Wasiirka Amniga Dowladd goboleedka Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa goordhaweyd gaarey degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Maamulka iyo bulshada Baladxaawo ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas waxaana dhawaan la filayaa inuu lahadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii shantii bilood ee lasoo dhaafey Xamar loogu haystey.
Wasiir C/rashiid Janan oo dhawaan gaaray Magaaladda Kismaayo,ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala magaaladda muqdisho sida Dowladda Soomaaliya Sheegtay.
Dhanka kale Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, islamarkaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.
War saxaafadeed ay soo saartay, ayaa hay’adda Amnesty International ay ku sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo cuslus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.
Waxay sheegtay Amensty International inay tahay arrin aan caqligal ahayn in Cabdirashidi Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda.

