Warar dheeraad ah ayaa kasoo kordhaya qarax maalintii shalay aheyd ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Deegaanka Carbiska Lafoole ee Duleedka magaaladda muqdisho.
Qaraxa ayaa haleelay gaari kuwa raaxadda ah, oo kasoo baxay deegaanka Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose,kuna soo wajahnaa Magaaladda Muqdisho.
Gaariga qarxay aya waxaa saarnaa dad lagu qiyaasay afar oo kala ahaa Zakariye Macalin Xaaji Cali, Cabdiqaadir Garaar(Daadir) Nuuradiin.
Zakariye ayaa ahaa ganacsadde,halka Daadir uu labo todobaad ka hor uu ka qalin jabiyay jaamacadd ku taala magaaladda muqdisho.
Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta ee Jaamacadda Horn of Africa oo ku taallo magaalada Muqdisho ayuu dhawaan ka baxay.
Saaxiibkiisa oo safar gaaban ku aaday degmada Wanlaweyn ayuu u raacay, balse soo laabashadooda ayaa gaarigii ay saarnaayeen qarax ku haleelay agagaarka Xaawo Cabdi.
Arinta xanuunka badan ayaa ah in Daadir saaxiibkiis uu gabar uu ka soo mehersaday degmada Wanlaweyn ay gaariga la saarneed,ayna dhimatay.
Sida ay sheegeen Eheladda dhalinyaradda dhimatay,waxaa lakala garan waayay meydadkooda.

