Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda), ayaa shaqadii ka eryay labo Xubnood oo Shabaab ka tirsanaa.
Mahad Karataay & Bashir Qorgaab oo kamid ahaa golaha fulinta xarakadda al-shabaab ayaa shaqadii laga eryay sida lagu sheegay war kasoo baxay Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Soomaliya.
Xubnahaan ayaa hogaamiyaha ka dalbaday in la joojiyo qaraxyadda shacabka lagu beegsado ee ka dhaca Magaaladda muqdisho.
“Axmed Diiriye, Horjoogaha AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Hogaamiyaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho”, ayaa lagu yiri warka Nisa.

