Qarax Lagu Dilay 3-ruux oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho+Akhriso Magacyo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Maanta ka dhacay  Deegaanka Xaawa-cabdi ee Duleedka magaaladda muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu dhajiyay gaari Kaarib ay saarnaayeen dad shacab ah, oo kusoo wajahnaa dhanka Magaaladda muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 3-ruux oo gaariga saarnaa, halka dhaawacyo ay jiraan.

Seddex ruux ee dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Zakariye Macalin Xaaji Cali, Cabdiqaadir Garaar iyo Nuuradiin.

Zakariye ayaa ahaa ganacsadde, halka labadda kale la tilmaamay in ay kamid ahaayeen bahda gaadiidleyda ee degmadaas.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Duleedka magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here