Mareykanka oo Duqeeyay Saldhig Shabaab ku Lahaayeen degmada Jilib ee Jubbada dhexe

0

Dowladda mareykanka ayaa faah faahin ka bixsay duqeyn ay ka fulisay qeybo kamid ah koonfurta Somalia.

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa faah faahin kabixiyay duqeyn ay kageeysteen qeybo kamid ah degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe.

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan ay ka fuliyeen defgmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe waxa ayna intaasi kudareen in duqeyntaasi ay ku dileeb 1 xubin oo katirsan Alshabaab waxayna tilmaameen in howlgalkaasi ay siwadajir ah u fuliyeen taliska mareykanka ee Africom iyo sidoo kale ciidamadda xoogga dalka somaliyeed.

William Gayler oo ah madaxa howlgallada Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa shaaca ka qaaday in taliska mareykanka ee qaaradda Africa ay kordhiyeen muddooyinkii lasoo dhaafay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanadda hoostaga Gobalka Jubbada dhexe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here